Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.
Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.
Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.
Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.
Waxaan isku diyaarina in aan horgeeyo @M_Farmaajo & @SomaliPM. Misaaniyada 2018 ka dib na waxaan horgeyn donaa Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan waxaan rajeyna in Misaaniyada cusub ay noqoto mid wax ka qabto baahiyaha Dowlada. pic.twitter.com/A2xJv3Bcvj
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) November 13, 2017