Ciidamada Xoogga dalka oo Xorreeyey deegaano horleh oo Gobolka Sh/hoose katirsan

Date:

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa howlgallo ka dhan ah maleeyshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah Gobolka shabellaha hoose, iyagoo ku xorreeyey deegaano hor leh oo gobolkaaasi katirsan.

Degaano hoos yimaada degmadda Kuntunwaareey ayey ciidamada xoogga ka xorreeyeen Nabad diidka Alshabaab, waxaana  deegaanadaas argagixisada ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, waxayna ku  qasbi jireen  inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta kooxda iyo in aysan jari Karin geedka Soomaalida ay u taqaan cali garoobka oo wadooyinka deegaanada la xorreeyey xiray, dhibaatana bulshada ay ku qabeen.

Taliyaha ururka 26 aad ee  guutada seddaxaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in gacanta Nabad diidka Alshabaab ay ka bixiyeen deegaano hoos yimaada  degmadda Kuntunwaareey ee Gobolka shabellaha hoose, islamarkaana ay qabteen tiro Maleeshiyaad oo Kooxda u dagaalameysay.

Col Xasan Jaamici, ayaa sheegay in howlgalada Nabad diidka lagula dagaalamayo ee gobolka Sh/hoose ka socda ay noqon doonaan kuwa joogta ah, dhowaanna lasoo afjari doonno howlgaladaasi,  isagoo shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan siddii Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaaanada tirada yare ee hadda ay ku dhuumanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...