Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Tababar loo furay+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa loo Tababarayaa in ay dajiyaan Qorshaha Wasaaradda ay ku shaqeyn doonto Sanadaha soo socda.

Waxaa Tababarka siinaya Macalimiin Ajnaaniib iyo Soomaali waxaana kaalin wanaagsan ka qaadanaya Hey’adda UNDP oo Soomaaliya arrimo badan ka taageerta.

Furitaanka waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sh Yuusuf “Al Cadaala” ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaalaha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan Casharadda lasiinayo.

“Waxaan idinka rabnaa in aad si wanaagsan uga faa’iideysataan Tababarkan waxaad tihiin kuwo muhiim u ah Wasaaradda iyo Qorshaha ay leedahay waana sababta badankiin leydiin soo xushay”.

Xogayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdi Diirshi ayaa waxa uu sheegay in mudooyinkaanba laga soo shaqeynayey in Tababarkan labilaabo balse maanta suurto gashay.

“Arrintan waxaa si-gaar ah uga shaqeeyey Wasaaaradda Warfaafinta inagana gacan ayaan ku siinay runtii waxaa jiray Koox ay Wasaaradda Warfaafinta u soo dirtay Wasaaradda Qorsheynta kuwaas ayaana hirgaliyey arrintan”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Iidaa Yoonis ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay Wasaaraddaha ugu shaqadda badan loona baahan yahay inay Shaqaalaheedu noqdaan kuwo dhankasta ka dhisan.

“Waxaan ku kalsoonahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta inay yihiin kuwo howl kar ah kuwaas oo ka faa’iideysan kara Tababarkan aadka muhiimka inoogu ah”.

Tababarkan waa waxaa uu socon doonaa sida uu Qorshuhu yahay mudo Seddex maalin ah waxaana lagu bixinayaa Cashiro ku aadanka hormarinta Qorshaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...