13 Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Basra

Date:

Barsa(SONNA) Wararka ka imaanaya Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe una dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan labada Shabeele  ayaa sheegaya in Diyaarad dagaal oo nuuca aan duuliyaha lahayn ay duqeysay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Taliyaha 12-April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Cumar Xasan Aadan(Cumar dheere)  oo u warramayay Wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyaya in duqeyntaasi lagu bartil maameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Alshabaab xili ay ku shirsanaayeen halkaasi.

Wariyaheena Maxmed Amiin Yabarow oo Jooga Balcad oo wareystay dadka deegaanka,mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa sheegay in ilaa 13 qof oo katirsan maleeshiyaadkaasi ay ku dhinteen duqeyntaasi.

Deegaanka Barsa ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamaya Ciidamad Dowladda iyo kuwa Alshabaab,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in ay wadaan qorshe Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...