Ciidamamda Soomaaliya oo burburiyey xaruntii Qaraxyada Al-shabaab

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiysay weerarro qorsheysan oo ay hey’ada amniga Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Jubba Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo  la hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay ugu horreyn in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed maalmahan ay howlgallo ka wadeen gobollada Shabeellooyinka, isla markaana la soo warinayo khasaarooyin kala duwan in  Nabad-diidka uu ka soo gaaray howlgalladaasi, guulo kalena ay ka rajeynayaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri “maalmahan ciidammada dowladda oo howlgallo ka waday dalka ayaa laba weerar oo qorsheysan ka fuliyey degmada Jilib, halkaas oo ay ku yaalleen xarunta Qaraxyada Al-shabaab iyo Guriga Jabdaha lagu diyaariyo, kuwaas oo doonayey in ay isu diyaariyaan gobolka Gedo, hasa yeeshee weerarkaas waxaa ka dhashay Khasaaro xooggan, inta la rumeysan yahay 81 qof ayaa ku dhimatay oo isugu jiray malleeshiyaad ku kala sugnaa xarunta Qaraxyada iyo Guriga Jabdaha Jilib”.

Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen waxaa ku burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan  ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Howlgalladan  waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.

 

Feysal Muuse