FAALLO:Dowladda iyo Shacabka waxaa ku dhex jira Danleey

Date:

Muqdisho(SONNA)–Dalkaan dhib badan ayuu soo maray 27-kii sano ee la soo dhaafay, kaasoo gaarsiiyay meesha uu hadda taagan yahay, waxaana taagan nahay in Dalkeenu uu ka liito Wadamada Qaaradda Afrika oo aan beri hore aan hormuudka u aheyn, Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan Dad firfircoon oo caqli badan islmarkaana aqoon iyo khibrad badan, saasi ay tahay waxaa ku dhexjira Danleey shaki kala galinaya Shacabka iyo Dowladdiisa.

Dhacdaddii 14-kii Oktoobar oo aheyd masiibo Qaran ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u dhashay Midnimo Qaran, waxaa taasi ka turjumeysaa markii Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxdii Maamul-goboleedyadii ayaa isku af gartay in loo midoobo la dagaalan Kooxda codowga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, meelna ay iska dhigeen waxyaabaha kale oo ay isku heystaan, waxay kaloo Dowladdu heshay mar kale kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in ay diyaar u yihiin ka hortagga Kooxdaasi.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka sheekeeyay Xaaladda uu Dalku ku jiro, wuxuuna yiri, “waa xaalad dagaal, waxaa is weydini leh maxaa keenay in 10 sano uu dagaalkaasi socdo? waxaan idiin sheegayaa caawa cilladda taala, ma oga inta badan in dagaal lagu jiro, waxaase og oo kaliya inta Dowladda ku jirta, waxaana jirta qaa’idda sheegeysaa in haddii shacabku la jirin Dowladda ma guuleystaan, ee waxaa guuleysta cidd uu shacabku la jiro, marka waxaa isla heli la’nahay taageerada shacabka iyo Xukuumadda”.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay Munaasabad lagu daah furayay Ololaha nabadeynta Magaalada Muqdisho iyo kaalinta ay Dhalliyadu ka qaadan karaan nabadda oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in Madaxda qaranka iyo Shacabka ay dhexdooda ku jirta waxa uu ugu yeeray Danleey, taasoo ah mid soo texnaa muddooyin badan, laguna doonayo in Xukuumad walba lagu dumiyo, isagoo xusay in mucaaradnimadaasi ay hadda socoto iyadoo aan indho iyo dhego laheyn, waxaase loo baahan yahay in halka cadow aan leenahay oo ah Alshabaab meel looga soo wada jeesto.

Madaxweynuhu waxa uu ugu dambeyntii u soo jeediyay Mahadcelin ballaaran Dhallinyarada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen Masiibaddii Qaran ee 14-kii Oktoobar iyo sida ay u muujiyeen shucuurtooda Wadaninimo, Midnimo iyo inaysan ka baqayn cadowda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoo ka hadlaayay Ololaha Nabadeynta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa yiri, “Ololahaan aan Caawa ku baaqnay oo ah nabadgalyada Gobolka Banaadir, Ololahaan ma ahan mid magalaada Muqdisho kaliya, waxaan rabaa inuu u xuubsiibto Dhalliyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan oo ay u dhaqaqaan difaaca Dalkooda, waayo Dhalliyaradu waa cududda ama xoogga u weyn ee Bulsho, Dal waliba waxaa horumar dhaqan-dhaqaale iyo amniga gaarsiiya Dhallintooda”.

Barnaamijka ama Ololaha nabadeynta Degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ujweedkiisu yahay in la sii joogteeyo dadaalkii dhallinyarada ee Masiibadii 14-bishii Oktoober kadib, Dhallinyarada Muqdisho wa ay noqdeen kuwa is abaabula, kadibna waxaa ku biiray dhammaan Dhalliyaradii ku kala nooleed Dalka gudahiisa yo dibaddiisaba, taasi ayaa keentay in la sameeyo barnaamij lagu joogteynayo dadaalka dhallinyarada ay muujiyeen, haddaba Gobolka Banaadir waxa uu door muuqda ka arkay in dhallinyaradu ay yihiin hormuudka nabadda, taasi oo loo arko in Muqdisho ay noqoto meel nabdoon sidii ay beri ahaan jirtay.

Barnaamijkan uu Gobolka Banaadir uu wado ayaa ah mid lagu xasilinayo Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kaasi uu gar wadeen ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Thaabit Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu isku xirku ka bilowdo min Guri, falar, laan, Waax, Degmo ilaa Gobolka, waana dhab haddii si wanaagsan loo fuliyo laga keeni karo hadafkii looga baahnaa ee ah nabadeynta Caasimadda Dalka ee Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa sida lagu sheegay mid shir-wareeg ah oo hadba Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir lagu qaban doono.

W.Q.C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...