Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaada katirsan Arggagixisada Shabaab

Date:

Muqsisho(SONNA) Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab,gaar ahaan deegaanada kuyaala xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in 3-ka tirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4-kalena looga dhaawacay.

Janaraal Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka.

Deegaanada howlgaladaasi ka socda ee kuyaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxaa ay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...