Sidee Gobolka Shabeellaha Hoose uga socda howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab?+(Dhageyso)

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee amniga Gobolkaasi iyo howlgalada la doonayo in guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose looga sifeeyo Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Gudoomiye Najax oo ugu horeyn soo hadal qaaday xaalada amniga ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay iney tahay mid wanaagsan,islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay qaadeen talaabooyin looga hortagayo falalka lidi ku ah amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

” Xaalada Guud ee Gobolka wey fiican tahay,ciidamada Xooga dalka Soomaaliya dadaal wanaagsan ayay wadaan oo cadowga runtii looga fogeynayo nawaaxiga degmooyinka Afgooye ilaa iyo nawaaxiga Bariire iyo dhinaca kale ee dhulka xeebta ah iyo laanta buura dhinaceeda,sidoo kale shalan bood iyo buula mareer howlgalo ayaa ka socda,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Wuxuu sheegay Guddoomiye Najax in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab markaan awoodooda ay ku soo koobantay daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan,isagoo balan qaaday iney guud ahaan Gobolka uu madaxda ka yahay ka sifeyn doonaan haraadiga maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka cusub ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro Gobolka ayuu Guddoomiyuhu sheegay iney qeyb ka yihiin shacabka,islamarkaana door muuqda ay ku leeyihiin,maadama uu tilmaamay in shacabka ay u dul qaadan waayeen gumaadka ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab oo aan u kala saarin carruur,Ciroole iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in guud ahaan dalka looga saaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...