Cabdul-Fattah Al-Sisi” Waxaan xoojineynaa Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya”

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha dalka Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi ayaa carabka ku adkeeyay Arbacadii shalay inuu wadankiisa si adag u garab taagan yahay midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Al-Sisi ayaa yimid ka dib qad taleefanka uu kula hadlay dhigiisa Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo,sida ay qortay Wakaalada wararka Masar ee loo soo gaabiyo MENA.

Intii lagu guda jiray wadahadalka telefoonka, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyadoo kor loo qaadayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxay sidoo kale,isla soo hadal qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha Masar Cabdul-Fattah Al-Sisi horumaradii ugu danbeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed loona gaaro horumar.

Dhinaciisa,madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay Masar doorka taageerida wadankiisa ay ka siiso xasiloonida iyo adkeynta nabad galyada.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah,kaasoo ku qotoma Arimo badan oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga,waxbarashada,ganacsiga iyo dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...