Hogaamiyaha dalka Myanmar oo gaartay Gobolka Rohingya

Date:

Muqdisho( SONNA) Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa gaartay gobolka Rakhine halkaasi oo lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya.

Waa Markii ugu horeysay oo Hogaamiye Myanmar Aung San Suu Kyi ay ka degto gobolka Rakhine tan iyo markii rabshadaha lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya ay ka bilowdeen dalkaasi.

Saraakiisha dawladdu waxay sheegeen in ay booqanayso magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Sittwe iyo magaalooyin kale, inta ay ku guda jirto safarkeeda halka maalin ah ee aan horay loo sii shaacinin.

Dad lagu qiyaasay 600,000 oo reer Rohingya ah ayaa tan iyo bishii Auugust u qaxay Bangladesh.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceyn u jeedisay Haweeneyda hogaamiyaha ka ah Myanmar Aung San Suu Kyi,waxaana lagu eedeynayaa iney dhegaha ka fureysatay isir sifeynta lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

Daganaansho la’aanta gobolka Rakhine waxaa kiciyay weeraro dhisamasho sababay oo lagu qaaday saldhigyada booliiska, kuwaas oo lagu eedeeyay malayshiyo cusub oo magaceeda loo soo gaabiyo Arsa.

Afhayeen u hadlay Dowladda oo lagu magacaabo Zaw Htay ayaa AFP u sheegay in Ms. Suu Kyi was ay hadda ku sugan tahay Sittwe sidoo kalena ay tageyso Maungdaw and Buthiduang.

Ms. Aung San Suu Kyi ayaa la rajeynayaa inuu socdaalkeeda wax badan ka bedelo xaalada Gobolka Rohingya iyo gumaadka lagu hayo dadka Muslimiinta ee Gobolkaasi degan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...