Madaxweynaha Myanmar oo booqaneysa gobolka Rohingya

Date:

Madaxweyna Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa gaartay gobolka Rakhine halkaasi oo lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya.

Waa Markii ugu horeysay oo madaxweynaha Myanmar Aung San Suu Kyi ay ka degto gobolka Rakhine tan iyo markii rabshadaha lagu dhibaateynayo Muslimiinta Rohingya ay ka bilowdeen dalkaasi.

Saraakiisha dawladdu waxay sheegeen in ay booqanayso magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Sittwe iyo magaalooyin kale, inta ay ku guda jirto safarkeeda halka maalin ah ee aan horay loo sii shaacinin.

Dad lagu qiyaasay 600,000 oo reer Rohingya ah ayaa tan iyo bishii Auugust u qaxay Bangladesh.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceyn u jeedisay Haweeneyda hogaamiyaha ka ah Myanmar Aung San Suu Kyi,waxaana lagu eedeynayaa iney dhegaha ka fureysatay isir sifeynta lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

Daganaansho la’aanta gobolka Rakhine waxaa kiciyay weeraro dhisamasho sababay oo lagu qaaday saldhigyada booliiska, kuwaas oo lagu eedeeyay malayshiyo cusub oo magaceeda loo soo gaabiyo Arsa.

Afhayeen u hadlay Dowladda oo lagu magacaabo Zaw Htay ayaa AFP u sheegay in Ms. Suu Kyi was ay hadda ku sugan tahay Sittwe sidoo kalena ay tageyso Maungdaw and Buthiduang.

Ms. Aung San Suu Kyi ayaa la rajeynayaa inuu socdaalkeeda wax badan ka bedelo xaalada Gobolka Rohingya iyo gumaadka lagu hayo dadka Muslimiinta ee Gobolkaasi degan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...