Weeraro ka dhacay Nigeria oo dad lagu dilay

Date:

Muqdisho (SONNA) Wararka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam.

Ururka Boka xaram ayaa lagu eedeeyay inay caruur yar yar u adeegsato qaraxyada iyo weerarada,iyadoo Qaramada Midoobe ay cambaareysay marin habaabinta iyo weerarada ay u adeegsato Boka Haram caruurta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...