Todobaad ka dib Isticmaalka Waddada Soobe oo dib loo furey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa saaka dib u bilowday isu socodka dadka iyo Gadiidka ee Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo muhiim u ah gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye iyo degmooyinka dhaca dhanka Koonfureed ee Muqdisho,  halkaasi oo 14-kii bishan ka dhacday musiibo Qaran oo ay ku nafwaayeen in kabadan  saddex boqol halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Waxaa socda howlo isugu jira dib u dhis iyo dayactir oo lagu sameynayo wadada laamiga ah  iyo hareeraha dhismayaashii ku bur buray qaraxa, waxaana saaka la arkayay boqolaal qof iyo gaadiid isticmaalayay Jidkaasi.

Shucuurta dadka waddada isticmalayay ayaa ka duwaanayd sidii hore,iyadoo dadku ay shegeen in dhibaato walibo oo ay kooxda Nabad diidka ay ka geestaan goobaha ay ku badanyihiin shacabka ay u midboobi doonaan sidii meel looga so wada jeesan lahaa dhagarta ay ku hayaan shacabka.

Dadweynaha ayaa si aad ah uu soo dhaweeyay in markale waddada ugu saxmadda badan ee Soobe dib uu sonoqotay isla maarkana uu dib u furmo shaqadi halkas ka socota

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...