Taliyaha cusub ee Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod  ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo  saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan  uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab, laguna xoreyn lahaa meelaha kooban ee dalka ay uga sugan yihiin.
“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in  Soomaaliya laga ciribtiro Argagixiso ”ayuu yiri Taliyaha Xoogga Jen. Gorod.
Taliyaha AMISOM Jen. Sugable ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, waxuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...