Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay dowladda inay ku guuleysatay in joogto loo bixiyo mushaarka Shaqaalaha bil walba

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Horumarka maaliyadda Qaranka oo ay kamid  yihiin canshuuraha, Mushaarka shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha  helaan  xaquuqdooda dhammaadka bil walba.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qof kasta oo shaqaale ah dowladdana u shaqeeya uu xaq u leeyahay in mushaarkiisa la siiya, xittaa haddii uu fasax ku maqan yahay, waxaana uu xusay inay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay.

Waxa uu sheegay in dowladda ay u baahan tahay in la kaabo dhaqaalaheeda, isagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si ay u fududaato in dib loo soo nooleeyo addeegyada arrimaha bulshada ah iyo mashaariic kale oo  shacabka Soomaaliyeed muhiim  u ah.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...