Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo xiray shir looga hadlayay Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Soomaaliya

Date:

Xiritaanka shirkan loogaga hadlayay Horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Madaxwayanah Puntland ,wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Somaaliya,wasiirada kalluumaysiag ee Maamulada dalka ,is kaashatooyinka kalluumaysatada Soomaaliyeed ,Hay’adaha caalamiga ah ee taageera harumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo marti sharaf kale  iyadoona gaba gabadii shirkan socday saddexda bari laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix Qodob.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlayay gabagabadii shirkaani wuxuun farxad ka Muujiyay natiijada shirkan kalluumaysiga Soomaaliya siina raaciyay in uu ahaa Mid si dhab ah u taabtay

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in uu ahaa shir dadka Soomaaliya oo dhan taabtay oo ay dadka soomaaliyeed aay maanta dhibatada baddeena ka taagan ay xog buuxada ka hayaan laguna gaaray war murtiyeed dadkii qaybaha kal duwan ee Soomaaliya matalyay ay si wada jira uga soo saareen loona guntaday sidii xaalada badda Soomaaliya wax looga qaban lahaa

C/laahi Cumar Abshirow wasiir ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya waxa uu si  cad u sheegay in shirkaan ay ka soo baxeen waxyaabno muujinaya in si dhab ah looga faa’ideysto kheyraadka dhex ceegaaga Baddeena Soomaaliya.

C/laahi Cumar Abshirow  ayaa cadeeyay in kan Wasaarad ahaan ka go’an tahay iyagoo kaashanaya maamul Goboleedyada dallka in la sameeyo siyaasada iyo sharciga Kaluumeysiga dalka,islamarkaana la hormariyo niyad ahaan dadka kaluumeysatada ah.

Gabagabadii,waxaa shirka soo xiray madaxweynaha maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirka,isagoo nasiib daro Qaran ku tilmaamay kaluumeysiga sharcidarada ah ee ka socda Baddena Soomaaliya oo aanay jirin cid wax ka qabaneysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...