R/wasaare khayre oo la kulmay Madaxweyne Ordugan

Date:

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha Dalkaasi Rajib  Dayid Ordugan.

Madaxweyne Ordugan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dal iyo dowrka Dowladda Turkigu ay ka qaadanayso ladagaalanka argagixisada Shabaab.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xariir qodo dheer ayaa malabada ma’suul ka wada hadleen dhaqan galinta heshiisyo ay horay u wada gaareen labada Dowladood iyo fulintaheshiisyadaasi.

Dhanka kale waxaa uu booqday dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Dalkaasi,raiisul wasaaraha ayaa u rajeeyey in eebe uu bogsiiyo dadkaasi.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...