Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaradda dhowaan ay furi doonto Xarun cusub oo looga hortagayo Masiibooyinka qaran ooย lamid ahย Qaraxii Zoobe KM5 ee Magaaladda MMuqdisho ka dhacay.
Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in Xarunta Qorshahu yahay in la furo ay ka shaqeyn doonto siddii looga hortagi lahaa Musiibooyinka qaran, islamarkaan qorshe looga yeelan lahaa ka hor tagooda iyo haddii ay dhacaan in la helo ka jawaabis deg deg ah.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sidoo kale u mahad celisay dadka gacanta weyn ka geystay gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay, iyaddo sheegtay in Ummadda Soomaaliyeed haddii ay isku gargaaaraan inay isku filan yihiin.
Ugu dambeyn Marwo Maryan Qaasim, ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ay sheegtay in kaalin weyn ay ka qaateen Gurmadka loo fidinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.