Diiwaan galinta dadkii lagu waayey Qaraxii KM5 oo wali ka socota Xarunta Gurmad Qaran “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Xarunta Gurmad Qaran ee Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta oo Tallaado ah waxaa ka soconaya wali howlihii Xaruntaasi ay heysay oo ay kamid yihiin Gurmadka iyo isku raadinta Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska KM5 ee Gobolka Banaadir.

 

Dhalinyaraddii isuxilqaantay in Xarunta Gurmad qaran ay uga shaqeeyaan si Mutadawacnimo ah, ayaa wada Diiwan galinta dadka baadida ay ka maqan tahay iyo sidoo kale diiwaan galinta Dadkii la baafiyey ee la helay, si loogu gudbiyo Bulshadda Soomaaliyeed, iyaggoo is ticmaalaya Barraha Bulshadda ay ku kulanto sida Facebook iyo Twitter.

 

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo qaar kamid ah  oo Shaqaalaheeda maalmahan ka howl galayey Xarunta gurmad qaran, ayaa dhowaan idin la wadaagi doonna Warbixino Qiiro leh ay ka qoreen qaar kamid ah Bulshada imaaneysa Xaruntaasi ee baadi goobka ugu jira dad ay ku waayeen Qaraxii Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo ay Nolol iyo Geeri midna aysan ku ogeyn.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...