Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Zoobe “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ay la wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, iyo Qaar kamid ah Garsooreyaasha dalka, ayaa maanta booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo kormeer ay ugu guur galayeen sida ay Howlaha gargaar u socdaa ku tagey.

 

Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo la kulmay Guddiga Qaran ee qaraxii Zoobe, ayaa sheegay in guddigaasi ay ku warreejinayaan Deeq lacageed oo gaareysa 20.000$, si loogu dardar galiyo Howlaha gargaar ee Guddiga uu wado.

Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka , ayaa boggaadiyey Howsha qaran ee ay Ummadda Soommaaliyeed u hayaan Guddiga, isagoo tilmaamay in Lacagtii guddiga gurmadka ay ku warreejiyeen ay iska arruuriyeen Guddoonka Maxkamadda iyo garsooreyaasha Dalka.

Ugu dambeyntii Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha uu ku shaqeeyo guddiga, iyagoo xog wareystay qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida mutadawacnimada ah ugu addeegaya Bulshadooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...