Warbixin: Banaanbax lagu wado in maanta uu ka dhaco Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta galinka dambe lagu wadaa in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay ka dhacaan banaan baxyo waa-wayn kasoo looga soo horjeedo laguna muujinaayo dareenka iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed kaga daqnadeen Qaraxii bahalnimo ee 14 bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Banaan baxyadaan ayaa waxaa la qeyb qaadan doonaa Ma’suuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul Gobleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Saaka laga dareemayaa u diyaar garowga iyo qaban qaabada banaanbaxa lagu wado in uu ka dhaco galinka dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dhamaan ah kuwo Maanta ka qeyb qaadan doona Banaanbaxa lagu muujinaayo sida bulshada Soomaaliyeed kaga xun yihiin weerarkii waxushnimo ee dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe kaasoo khasaaro Iskugu jira Naf iyo maalba uu ka dhashay.

Shalay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maanta Arbacada ah oo ku beegaan Maanta ay dhigaan banaanbaxyo ilaahay loogu barinaayo in bulshada Soomaaliyeed samir iyo iimaan kasiiyo dadkii ku dhamaaday Qaraxii Zoobe ay dhigaan oo ay dareenkooda tusaan in bulshada.

Qaraxii maalinnimadii Sabtiga ahayd oo ay bishu ku beegneed 14 Actobar 2017 ayaa ahaa mid dhamaan ay ka daqnadeen bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamka oo dhan maadaama uu ahaa mid waxushnimo ayna ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan hase ahaateen waxaa ay bulshada tustay in maleeshiyaadka Nabad diidka ee Al shabaab ay u taagan yihiin bur burinta shacabka soomaaliyeed.

Weerarkaan ayaa ahaa midkii ugu xoogganaa oo abid ka dhaca Soomaaliya oo soo martay Dagaalo,bur bur iyo Dowlad la,aan guuda-ahaanba saamaysay Qarankii Soomaaliya ka dib Sanadkii 1991 oo ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee uu majaraha u haayay “Generaal Maxamed Siyaad Barre” hase yeeshee Soomaaliya sooma marin Qaraxii Zoobe oo kale mana arkin shacabka Soomaaliyeed.

Taasina waa mid tusin karta bulshada Soomaaliyed in ay hal meel kaga soo wada jeestaan gumaadka iyo falalka guracan oo ay ku dhaqmayaan Maleeshiyaadka Argagixisadaah ee Al shabaab ayna ogaadaan in ay leeyihiin hal Cadow oo ah nabad diidka argagixisada ee Al shabaab.

Qoraa/ Baashi Cali Xaashi:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...