Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse

Date:

Muqdisho, 26ka Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaana Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...