Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Bukaanada Qaraxii Zoobe  “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanat booqday Qaar kamid ah Isbitaalada ay ku jiraan Bukaanaddii dhowaan kusoo dhaawacmay Qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

 

XIldhibaanadda oo kala ah Xil Farxiyo Xasan Axmed, Xil Xiisa Xasan Aadan, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Xildhibaan Xabiibo Axmed Haaruun, ayaa  booqday Isbitaalada Madina, Digfeer, Daarulshifa iyo kuwa kale, iyaggoo Bukaanadii Isbitaaladaasi ku jiray Gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay iska soo arruuriyeen dhexdooda.

 
Waxaa sii kordhaya Deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii aadka u cusluu ee Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...