Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay Khasaaraha qaraxii Soobe

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmad loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...