Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Safiirka Mareekanka ee Soomaaliya ahna safiirka ku xigeenka Martin Dale waxa uu warbaahinta u sheegay in Mareekanku ka xun yahay waxa dhacay, islamarkaana uu soo gaarsiiyay Gurmadka degdega ah oo dawooyin ah oo kharash ahaan dhan 100.000 oo Doolar.

“Aad ayaan uga xunahay sabtidii wixii dhacay dad badan oo waxba galabsan ayaa geeriyooday, Mareekanka oo soo marinaya Hey’ada Gargaarka Caalamiga ah ee Mareekanka USIAD waxa uu ugu talagalay Gargaarkan dawooyinka ah ee diyaaradu keentay oo ku kacay 100.000 doolar ( Boqol kun oo dolar) waan sii wadaynaa waan ka xunahay wixi dhacay, Madaxweynaha Soomaaliya  Saakay ayan teleefoonka kula hadlay xaqiiqdii waa arin aad u muruga badan” ayuu yiri Martin Dale.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed waxa uu kaalmadan degdega ah ku tilmaamy mid muujinaysa saaxiibtinimada Mareekanka iyo Garab istaagooda Soomaaliya.

“ waan u Mahad celinaynaa Mareekanka tani waxa ay Muujinaysaa saaxiibnitinada iyo Garab istaaga Dowlada Mareykanka ay garab taagan tahay Soomaaliya waa waqtigii ugu muhiimsana ayna u baahneed Soomaaliya” ayuu Yiri Gudoomiye Taabid Cabdi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...