Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo Xarunta Gurmadka Qaranka ka furtay Magaaladda Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay furtay Xarun loogu talo galay in lagu taakuleeyo dadka Dhibaneyaasha ah ee waxyyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Marwo Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Gurmadka Qarnka, ayaa sheegtay Xaruntan cusub loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Waxyeelada soo gaartay,iyaddoo Codsatay in la caawiyo Dadkaasi dhibaneyaasha.

Xaruntan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka dhibaneyaasha ah ee Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe, Waa xarun ay ka howl galayaan howl wadeeno caafimaad, waxaana ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadkaasi” ayey tiri Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...