Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh u Diray ehelada,Asxaabta, qaraabada, iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, dadkii u waxyeeloobay mashaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay Ku nafwaayeen dad aad u fara badan oo waxba aan galabsan, waxaana dadkii Ku dhintay uu eebe uga baryay In naxariista jano uu ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah uu siiyo.
Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo loo baahanyahay Dowlad Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay muujiyaan midnimo meelna uga soo wada jeestaan Cadowgani maalin walba caadeystay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan walaalaha Ku waxyeeloobay weerarkaasi baahalnimada ah.