Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah u furey kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka Puntland

Date:

Munaasabada lagu furayay kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Puntland ayaa manta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland,taasi oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadka Puntland,Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo badan leh,sida Ammaanka hanaanka dowlad Goboleed dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyuada bulshada ee deegaanada Puntland.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland madaxdiisa sida wanaagsan oo wafdigoodi ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe bogaadiyayna wadashaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu waa cusub u baryay,wuxuuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta Baarlamaanka Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...