Afhayeenka AMISOM “Kolonyo ciidamadeenna ah ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal”

Date:

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhaliyay lala eegtay ciidamo kolonyo AMISOM ah oo Roondo sameynayay.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah” ayuu yiri Wilson Rono,

Mas’uuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...