Madaxweyne C/weli Gaasโ€Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliyaโ€

Date:

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyey Casuumadda uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya Madaxda Maamul Goboleedyadda , Mudane Gaas ayaa haddalkaan ka sheegay mar uu soo dhaweynayey Gudoomiyeyaasha Baarlaamka Soomaaliya.Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hayโ€™adaha Dowladda Heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada siย  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kaleย sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...