Shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Dowladda Federaalka oo Tababar uga qeyb galaya Kenya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Maalintii labaad waxaa dalka Kenya uga socda ku dhawaad 40 shaqaale oo ka socda Agaasinka Qorsheynta Wasaaraddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Tababar lagu baranayo hab-raaca samaynta qorshe istiraatiiji ah, inta uu socdana waxaayabaha diirada la saarayo waxaa ka mid ah, udiyaar garoobidda qoridda qarashaha,Dejinta nimaadka guud ee lagu qorayo qarashe, Qiimeynta xaalka iyo marxaladaha dalka ka jira iyo Qeexidda arrimaha aasaasiga ee isiraatiijiga dalka horyaala,

Agaasimaha Guud ee Qorsheynta  Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Warbaahinta qaranka Somaaliyeed ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay shaqaalaha ka kala socda agaasinka Qorsheynta ee Federaalka.

“Shaqaalaha waxaa u kala caddaaday manta tillaabooyinka guud iyo hab-raaca loo maro dejinta Qorshe Qaran, mid Wasaaradeed iyo mid Waaxeed, wasaaradda qorsheynta tababaradda noocan oo kale ay dalka faa”iideyda ugu jirta waa kuwa ay aad u soo dhaweynso, waxaan u mahadcelinaynaa Urar Gobaaleedka IGAD,iyo Midowga Yurub oo iska  kaashaday qabsoomida tababrkan”

Madaxa xafiiska Barnaamijyada Somaaliya ee urur Gobaaledka IGAD Moges Ali ayaa sheegay in tababrkan uu muhiim  u yahay wasaaraddaha dowladda federaalka,

“Sababatan aan u qabanay tbabarkana waxaa ay tahay sidii aan kor u qaadi lahayn aqoonta shaqaalaha dowladda fedralka soomaaliya oo ah kuwa la jaan qaadi karo socadsiinta qorshaha dalka somaaliya anaga waxana auga faraxsanahay sida wanagsan ee  dooda u dhaceyso waa mid  aad u wanaagsan oo ay kala faa”iideysanaa ka qeyb galaaysha tababrka”

Tababarakan ayaa maalintii shalay waxaa si rasmi ah u furay masuulayiin ka socday Safaaradda Somaaliya, Xubna ka kala socday Wasaaradda arrimaha dibada dalka Kenya, Urur Gobaaledka IGAD iyo Masuul ka socday Midowga yurub,iyadoo uu socan doona mudo shan maalin ah.

 

 

 

 

W/Q:Abdirashiid Nuur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...