Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay Amniga Dalka

Date:

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Laamaha Amaanka soomaaliya ay ku guulaysteen Xasilinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Axmed Maxamuud Sayid Carab afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay taasi ku timid wadashaqeynta Shacabka iyo hay’addaha Amaanka qaranka loona baahan yahay in laga hor tago waxkasta oo kasoo hor jeeda hanaanka Amniga Dalka.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ayna garab siiyaan laamaha Amniga qaranka taasoo uu sheegay in ay horseedayso in dalka uu gaaro Amni buuxa lagana hortago falalka guracan ee nabad diidka Al shabaab u gaystaan dadka rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...