Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

Date:

Boosaaso(SONNA) Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badn 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...