Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal Cirfiid oo maanta gaaray deegaanka Bariire”Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale “Cirfiid” iyo Madaxda Hooganada Saadka  iyo wardoonka Cidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo uu kamid yahay Abaanduulaha Cidanka Xoogga Dalka  janeraal Cabduulaahi Cali Canood

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo  la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...