Turkiga iyo Mareynkanka oo joojiyay adeegii dal ku galka labada Wadan

Date:

Dowladaha Mareynkanka iyo Turkiga  ayaa soo kala dhexgalay muran diplomaasiyadeed oo marka hore ka bilowday qunsiliyad , waxayna Labada Dowladoodba ay joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawladda Maraykanka uga go’antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda.

Safaaradda Mareynkanka ee Ankara ayaa horay war midkaasi u dhow u soo saartay.

Arrintan ayaa timid iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiriirkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....