Sidee ayey Suudaan usoo dhawaysay Cunaqabataynta Ganacsi ee laga qaaday

Date:

Khartuuum(SONNA)-Shacabka reer suudaan ayaa aad ugu farxay warka kasoo yeeray Dowladda Mareykanka kaas oo ah in cunaqabateynta laga qaaday wadankooda, waxa lagu arkayay wadooyinka waaweyn dad soconaya iyaga oo sita calanka Suudaan, qaadayana heeso dhiirigalin ah.

Shacabka ayaa isugu hambalyeynayay dulqaadka ay muujiyeen mudadii ay saarneyd cunaqabataynta iyo dadaalka ay ku wajahayeen nolosha adag ee marba sicirkeedu sii kacayay.

Cunaqabataynta uu maraykanka ka qaaday Wadanka Suudaan ayaa ah mid saarnayd Muddo 20sano ah, iyadoo hoos u dhac badan ku yimid shirkadihii maalgashiga ee dalka suudaan ka hawl gali jiray taas oo saamayn ku yeelatay dhaqaalaha dalka suudaan gabi ahaantii.

Jaamacadda Carabta ayaa soo dhawaysay Cunaqabatayna laga qaaday suudaan iyadoo sheegtay in taasi ay sabab u tahay joojinta dowladda suudaan ay joojisay tacadiyada ka dhaca gobolada ay dagaalada ka jiraan ee dalka suudaan.

Afayeen u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ka qaadista cunaqabatayntan ay imaanayso ka dib Codsiyo badan oo ay u gudbiyeen Dowladda Mareykanka maadaama suudaan ay xubin Firfircoon ka tahay Ururka iskaashiga islaamiga, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa.

Dhanka kale Madaxda suudaan ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay cunaqabatayna laga qaaday dalkooda iyadoo wasiirka Ganacsiga Suudaan Mudane Xaatim Alsir uu sheegay in Cunaqabatayna laga qaaday suudaan ay bilow u tahay iskaashi ganacsi iyo in la maalgashado suudaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in cunaqabatayna suudaan ay dhibaato wayn ku keentay ganacsiga suudaan isla markaana ay  ka hor istaagtay inay ka mid noqoto Hay”adda Ganacsiga Caalamiga ee  WTO,  inkastoo suudaan ay buuxisay waajibaadkii ka saarnaa dhamaystirka inay ka mid noqoto Hay”addan balse Cunaqabateyntaa ay saamayn ku yeelatay.

Wasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Fursadan taariikhiga ay suudaan ka faaidaysan doonto ayna diyaariyeen barnaamij ganacsi oo ay kaga qayb qaadanayaan suuqayada caalamiga ee Maraykanka, yurub iyo woqooyiga Ameerika.

 

W/Q: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...