Buurhakaba(SONNA)-Maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyayย deegaano hoos yimaada Degmada.
Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Ibraahim oo gordhow la hadley Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo Nabadgelyada Degmada.
โHowlgalka waxaa laga fuliyay meel degmada u jirta 15 km, oo lagu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse markii ay ciidamada halkaasi ku baxeen, waa ay isaga carareen kooxihii Nabad diidka ah ee deegaanka ku soo dhuuntay, mana jirto cid lagu soo qabtayโ ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada.
Mudane Maxamed Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Degmadu aysan ka jirin adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale oo aas aasiga u ah nolosha beniโaadamka, waxaana uu intaa ku daray inay xoogga saarayaan sidii ay dib u soo celin lahaayeen adeegyada bulshada.