Furitaanka Shir Weynaha Qaran Ee Dastuurka Oo Dib Loo Dhigay

Date:

Muqdisho(SONNA)-Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu waday in maalinnimada berrito ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyey in dib loo dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu maalinnimada berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08da October uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shir weynahan oo daah fur u ahaa qorshaha dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa mudooyinkan qaban qaabadiisa waday Wasaaradda Dastuurka ayaa waxaa loo qorsheeyey inay ka qeybgalaan ku dhowaad 500 ruux oo qeybaha bulshada,siyaasiyiin iyo qurbo joog isugu jira ayadoo ololahanna ku talagalkiisu yahay in uu socdo mudo laba sano ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...