Furitaanka Shir Weynaha Qaran Ee Dastuurka Oo Dib Loo Dhigay

Date:

Muqdisho(SONNA)-Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu waday in maalinnimada berrito ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyey in dib loo dhigay.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka Shir weynaha qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka kaasi oo qorshihiisu ahaa in uu maalinnimada berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08da October uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shir weynahan oo daah fur u ahaa qorshaha dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa mudooyinkan qaban qaabadiisa waday Wasaaradda Dastuurka ayaa waxaa loo qorsheeyey inay ka qeybgalaan ku dhowaad 500 ruux oo qeybaha bulshada,siyaasiyiin iyo qurbo joog isugu jira ayadoo ololahanna ku talagalkiisu yahay in uu socdo mudo laba sano ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...