Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow u ambabaxay Dalka Suudaan “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo u dhoofay dalka Suudaan halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneyso.

Safarkan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ku wehliya Marwada koowaad ee dalka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Suudaan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Soomaalida kunool Sudan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....