Guddoomiyaha Shabeellaha hoose oo sheegay inay degan tahay Xaalada deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xaalada deegaanka Bariire ay degan tahay, isla markaana aysan jirin dagaalo ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay Deegaanka Bariire, isagoo sheegay in Maleeshiyada Al shabaab ay shalay tiro yar oo Madaafiic ah ku soo tuureen deegaanka, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

Ibraahim Aadan Najax ayaa sidoo kale xusay in Maleeshiyada diidan Hormarka iyo Nolosha shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan qarxiyeen Buundada deegaanka Bariire oo muhiim u aheyd isku socodka gobolka oo muddo aad u badan soo shaqeyneysay, wuxuuna balanqaaday inay ka shaqeyn doonaan hormarka deegaankaas, shacabkana ay ka codsanayaan inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Tan iyo markii ay Ciidamada dowlada la wareegeen deegaanka Bariire, waxaa aad u soo hagaagaya amaanka, iyadoo shacabka ay si u soo dhaweeyeen Howlgalo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo Nawaaxigiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...