800 oo qof oo ku dhaawacantay rabshado ka dhashey aftidii gobolka Catalonia ee Spain

Date:

Spain(SONNA) Dadka kunool Gobolka Catalonia ee Dalka Spain ayaa inta badan HAA u codeeyey aftidii la qabtay,iyadoo dhanka kale Dowladda ay si weyn uga soo horjeedo talaabooyinkaasi.

Iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqey in ay ku guuleysteen in ay ka madax banaanadaan  Spain inteedi kale waxaana dadka HAA u codeeyey ay gaarayeen 90%.

Maxakamadda Dastuuriga ee Dalka Spain ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabada lagu qabtay aftiada,taasi oo intii ay socotay ay ka dhaasheen rabshado khasaarooyin dhaliyay.

Hogaammiyaha Gobolkaasi aftidu ka dhacday ayaa sheegay in dhawaan loo gudbin doono arintaasi baarlamaanka maamulkaasi,isagoo xusay in mustaqbalka shacabka uu u yaalo baarlamaanka.

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kadib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta,Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia

Booliska ayaana la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka,iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont uu tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeertay falkani micna darrada.

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wada xaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo ka soo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...