Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan

Date:

Kooxda Baambeyda oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay qabtaan shaqooyin aad u muhiim ugu ah Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ay garaacaan qalab kala duwan kuwaas oo Musiga loo ekeysiinayo in qof uu heesayo oo kale.

Waxaa sidoo kale kooxdan loo yaqaan Bando Musiko waxa ay soo jireen muddo dheer, hadda waxaa ku soo biiray dhallinyaro aad u da’yar oo waliba u badan Hablo.

Axmed Guulwade waxa uu ka mid yahay waaya u jooga kooxdan, waxaana uu ka sheekeynayaa sida ay ku bilaabatay “Waxay soo bilaabatay sanadkii 1960-kii, waxaa laga soo kala aruuriyay qeybo kala duwan oo Gobolada dalka ah, shaqooyinka aan qaban jirnay waxaa ugu muhiimsanaa Garaacista Astaamaha Qaranka”

Istaahil Jibriil Maxamed ayaa ka mida Gabdhaha da’yarka ah ee Kooxdan ku soo biiray, waxaana ay ka hadleysaa sababaha ay kooxdan ku dooratay “Aad ayaan u jeclahay qalabkan kala duwan inaan garaaco, Macalimiinta kooxda aad ayay ii soo dhaweeyeen hadda waxaan bartay garaacista qalabyada kala duwan ee Baambeyda ay ku shaqeyso, waalidiinteyduna way igu taageersan yihiin inaan kooxda ka mid ahaado”.

Kooxdan waxaa hadda ka tirsan 15 gabdhood sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Kooxda Maxamed Cali Xalaal, “15 gabdhood ayaa kooxdan ka mid ah, waxay qabteen shaqooyin aad muhiim u ah, waxaan sidoo kale ka rajeyneynaa inay ku biiraan hogaanka kooxda, waxaana jira hablo loo tababarayo”.

Muhiimadda ayaa ah in lagaraaco heeso kala duwan, iyada oo neefta qofka iyo faraha la isticmaalayo Nimco Maxamed oo ka mid ah kooxda ayaa sharaxeysa waqtiga ay ku soo biirtay iyo waxyaabaha ay baratay.

“Waxaan ku jiraa shaqadan muddo labo sano ah, aad ayay u adag tahay in shaqadan la qabto balse mudo dheer kaddib way ii suurtagashay inaan si fiican u barto sida baambeyda heesaha u garaacdo”.

Taliyaha Kooxda Maxamed Axmed Xalaal ayaa sheegaya shaqada kooxda in aysan ku ekeyn oo kaliya magaalada Muqdisho, balse sidoo kalena dhanka Gobolada loo baxo.

Markii dalka uu imaanayo wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka, soo dhaweynta Madaxda Dalka iyo arrimo kale ayey u xilsaaran tahay Kooxda Bando musiko, waxaana la-aasasay horaantii 1943 dhisitaankii Ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Warbixinta waxaa ka diyaariyey Cali Axmed Cismaan

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...