Qadar oo soo dhaweysay  Arrimha Xuquuqul  Insaanka ee Somaliya.

Date:

Dowladda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay  inay dib u cusboonsiin doonto is garab istaagga shacabiga iyo xukuumadda Soomaaliya,isla markaana ay  ka go’antahay sidii  gargaar bani’adanimo  iyo waxqabad kale looggu fidin lahaa   shacabka Somalia iyo dowladiisa.

Dowladda  Qadar  ayaa aad u amaantay isbedelka siyaasadda Somaaliya tan iyo intii ka danbeysay Doorashadii xukuumadda hadda ka arimisa Somaliya,waxyna rajeysay in talaabadan isbedelka ah uu noqdo  mid wax weyn ka taraya sugidda amniga Somaliya, horumarinta masaalixda waddanka iyo kuwa la  dagaalanka argagixisada.

Tallaabadaan  ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay Dowladda Qadar bayaan ka soo saartay, khudbad uu fadhiga Golaha Xuquuqul Insaanka ka jeediyay Amiir Dhalaal C/casiis oo ah xoghayaha Sedexaad  ee wafdiga joogtada ah ee Dowlada qadar  ee Qaraamada Midoobay, isla markana ka tirsan khubarada qadar ee xaruunta hay’adda Xuquuqul insaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva.

 

Sidoo kale Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay juhdiga ay dowladda Somalia gelisay daryeelka arrimaha xuquul insaanka ee Somalia, dib u dhiska hay’ada dowladda,dhaqan gelinta qaanuunka cusub ee Somalia,abuurista guddi madax banana ee ka shaqeya arrimaha xuquul insaanka iyo dhameystirka dastuurka cusub.

Bayaankan ka soo baxay Dowladda Qadar waxaa kaloo lagu xusay amhiyadda shirkii kol hore lagu qabtay London uu u leeyahay Somaliya siiba wadciga ay maanta ku jirto  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhaqangelintiisa, kaasoo diiradda lagu saaray dhinacyada xuquul insaanka iyo  la dagaalnka argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...