Qadar oo soo dhaweysay  Arrimha Xuquuqul  Insaanka ee Somaliya.

Date:

Dowladda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay  inay dib u cusboonsiin doonto is garab istaagga shacabiga iyo xukuumadda Soomaaliya,isla markaana ay  ka go’antahay sidii  gargaar bani’adanimo  iyo waxqabad kale looggu fidin lahaa   shacabka Somalia iyo dowladiisa.

Dowladda  Qadar  ayaa aad u amaantay isbedelka siyaasadda Somaaliya tan iyo intii ka danbeysay Doorashadii xukuumadda hadda ka arimisa Somaliya,waxyna rajeysay in talaabadan isbedelka ah uu noqdo  mid wax weyn ka taraya sugidda amniga Somaliya, horumarinta masaalixda waddanka iyo kuwa la  dagaalanka argagixisada.

Tallaabadaan  ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay Dowladda Qadar bayaan ka soo saartay, khudbad uu fadhiga Golaha Xuquuqul Insaanka ka jeediyay Amiir Dhalaal C/casiis oo ah xoghayaha Sedexaad  ee wafdiga joogtada ah ee Dowlada qadar  ee Qaraamada Midoobay, isla markana ka tirsan khubarada qadar ee xaruunta hay’adda Xuquuqul insaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva.

 

Sidoo kale Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay juhdiga ay dowladda Somalia gelisay daryeelka arrimaha xuquul insaanka ee Somalia, dib u dhiska hay’ada dowladda,dhaqan gelinta qaanuunka cusub ee Somalia,abuurista guddi madax banana ee ka shaqeya arrimaha xuquul insaanka iyo dhameystirka dastuurka cusub.

Bayaankan ka soo baxay Dowladda Qadar waxaa kaloo lagu xusay amhiyadda shirkii kol hore lagu qabtay London uu u leeyahay Somaliya siiba wadciga ay maanta ku jirto  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhaqangelintiisa, kaasoo diiradda lagu saaray dhinacyada xuquul insaanka iyo  la dagaalnka argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...