Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo lagu soo dhaweeyey magaalada Khartuum”Sawirro

Date:

Khartuum (SONNA) Kulankan lagu soo dhaweynayay Culimada kala ah, Sheekh bashiir  Axmed Salaad  oo ah Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Maxamuud ciise, Maamulaha jaamacadda islaamiya ee Soomaaliya iyo Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah barre wax ka dhiga jaamacado ku yaala dalka ingriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee suudaan, Madaxda Jaaliyadda, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suudaan.

Soo dhawaynta ka dib ayuu Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaga warbixiyay Soomaalida Suudaan xaaladda dalka uu ku suganyahay haatan, isagga oo sheegay in is badal dhan walba ah muuqdo, Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa u sheegay ree Suudaan in dalka uu sugayo dad wax soo bartay oo u diyaara in ay wax ka badalaan.

“Soomaaliya waxa ay u baahantahay aqoonyahano cilmigooda u dheeryahay in ay soo barteen sida dal loo dhiso, aqoonyahano u shaqeeya dalkooda ee aanan ka shaqeysan”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inta uu Khartuum joogo in uu la kulmo Hay”adda Culimadda suudaan iyo Ururada dacawiga ee dalkan ka jira, sidoo kale sheekh ayaa la filayaa in uu kulan guud la yeelan doono Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee suudaan si ay isaga xaal wareystaan Xaaladda dalka iyo Wacyiga umadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...