Faah Faahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu gubay K/Afrika”Sawirro

Date:

Johannesburg (SONNA) Muwaadinkaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Cali ayaa ku sugnaa kaligii goob ganacsi oo uu ka ahaa waardiye, waxaana kusoo weeraray koox burcad ah kuwaasi oo dhac baahsan u geystay inta aysan dabka ku shidan dukaanka.

Kooxda burcadda ah ayaa waxaa la sheegay in ay Marxuumka ku xireen qol yar oo dukaanka qeyb uga yaalay kadibna ay halkaasi kaga tageen, waxaana ay qaateen lacago cadaan ah iyo agab kale oo cadadooda la shaacin, sida uu warbaahinta u sheegay midka mid ah shaqaalaha goobtaasi oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cali.

“markii aan ka tageynay habeenkii lacago badan ayaa qasnada ku jiray iyo kaararka telefoonada lagu shubto, dhamaan wey qaateen kadibna marxuumka ayey gubeen”ayuu yiri Liibaan Cismaan Cali.

Ciidamada Polie-ka ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falkaani geystay, iyada oo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Jamaal Barow uu sheegay in falkaan ay u saareen ka safaarad ahaan guddi gaar ah oo daba gala arintaan.

“waxaan u saaray ruux gaar ah oo safaaradda ka tirsan in uu arintaan meel cad uga soo haro police-kana uu la shaqeeyo sidii loo soo heli lahaa dadkii geystay falkaan, dowlada South Africana waan kula xisaabtameynaa anaga oo kaashaneyna dowlada Soomaaliya”ayuu yiri Jamaal Barow.

Goobta ganacsiga ee dabka la qabad siiyay waxaa ay aheyd dukaan lagu iibiyo alaabaha jumlada ah oo ay ka iibsadaan Soomaalida ku nool deegaanada kale ee ku sii iibiya goobaha ganacsiga ee yaryar, waxaana ku burburay hanti aad u farabadan taa oo aan wali cadadeeda la shaacin.

Waxaa Sido kale ka shaqeynayay ilaa 17 ruux oo kala ahaa 12 ruux oo Soomaali ah, afar ruux oo u dhashay dalka Malawi iyo waliba hal ruux oo South Africaan ah.

Alle ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Cali xalay saqdii dhaxe ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa, waxaana aaskiisa kasoo qeybgalay Soomaali aad u fara badan oo aad uga tiiraayeysanaa falka naxdinta leh.

W/D:-C/laahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...