Deg Deg: Taliyaha Guud ee CiidankaTurkiga oo goor dhow Muqdisho soo gaarey

Date:

Muqdisho(SONNA) Wefigan uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa goordhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay sida uu soo sheegayo wariyaheena Maxamed Xasan Cali .

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabad gelyada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeyb gelidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

Faah Faahinta warkaasi goor dhow kala soco SONNA.SO

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...