Maamulka Hirshabeelle iyo AMISOM oo kawada hadlay furista wadada isku xirta Muqdisho iyo beledweyne “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo howlo shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulamo kale duwan Maanta la qaatay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, iyadoo Kulamadaasi looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xoojinta Wada shaqeynta UN-ka, AMISOM iyo Hirshabelle.

Kulanka hore Ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdiga la socda waxay ay kulan la qaateen Qeybaha kale duwan Hey’adaha Qaramada Midoobay ee isugu jira kuwa horumarinta iyo kuwa samafalka, waxaana ay ka wada hadleen sidii hey’adaha ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo caawinta Dadka reer Hirshabelle oo dhibaatooyin kale duwan oo abaarta ay ugu weyntahay aynan ka soo kabsan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa si qoto dheer sharaxaad uga siiyay Hey’adaha baahida ka jirta Dowlad Goboleedka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay baahiyahaasi in laga qeyb qaato sidii looga jawaabi lahaa, waxaana uu kaga mahadceliyay howlaha dalka ay ka hayaan.

Madaxda Hey’adaha kale duwan ee Qaramada Midoobay ee uu kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa balanqaaday in deeganada Hirshabelle ay ka fulinayaan dhowaan mashaariicyo horumarineed oo hadaba diyaar ah,  sidoo kalena deeqo gar gaar ah ay gaarsiin doonaan dadka ay saameynta ku yeesheen abaarihii ugu dambeeyay ee ku dhuftay koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan kula qaatay Xarunta Ciidamada Midowga Africa  ee Xalane Saraakiisha ugu Sareysa  AMISOM, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Amniga deeganada Maamulka iyo sidii AMISOM ay uga qeyb qaadan laheyd xaqiijinta amniga.

Sidoo Kale Madaxweyne Waare ayaa muujiyay wel welka ay ku heyso Wadooyinka Xiran iyo Go’doominta Kooxda Argagaxisada Al Shabaab Ay ku hayaan dadka Masaakiinta ee ku nool deegaanno ka mid ah Hirshabelle, waxaana uu kala hadlay Saraakiisha AMISOM, sidii looga qeyb qaadan lahaa in dadkaasi laga dulqaado cadowga oo la furo wadada isku xirta Muqdisho iyo Beledweyne si dadka fursad ay ugu helaan in la gar gaaro maadaama dadkaasi ay yihiin kuwa ku nool xabsi kor feedan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...