Taliyaha cusub ee Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM

Date:

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod  ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo  saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan  uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab, laguna xoreyn lahaa meelaha kooban ee dalka ay uga sugan yihiin.
“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in  Soomaaliya laga ciribtiro Argagixiso ”ayuu yiri Taliyaha Xoogga Jen. Gorod.
Taliyaha AMISOM Jen. Sugable ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, waxuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...