Wafdi Kormeer ku tagay Deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SONNA) Deegaanka Bariire oo 9km dhanka Galbeed ka jira deegaanka num 50 ee Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa gaaray Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Masuuliyiinta Gobolka Shabeelaha hoose uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka.

Masuuliyiintan ayaa u kuur galay Xaalada nololeed iyo mida Amni ee deegaanka Bariire, waxayna meel Fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka.

Bariire waxaa dhawaan laga  saaray Maleeshiyada Argagaxisada Al Shabaab oo hore gacanta ugu hayay degaankan, Dhibaato badana u geysanayay shacabka.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo ay hoostagto degaanka Bariire ayaa sheegay in isku socodka Gobolka Shabeelaha hoose uu muhiim u yahay deegaankan sidaas awgeed wuxuu ku baaqay in si wadajir looga shaqeeyo Amniga iyo Hormarka Bulshada deegaanka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Wasiirka Macdanta iyo Badroolka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa Bulshada ku dhaqan deegaanka ka codsaday in ciidanka xoogga dalka ay la shaqeeyaan, si looga hortago cadowga Soomaaliyeed ee Al shabaab oo umada u diidan inay nabad ku noolaadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay in  Maamulka gobolka uu degaanka Bariire ka hirgelinayo mashaariic hormarineed ayna furi doonaan Wadooyinka ay go,doomiyeen Argagaxisada Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...