Xuska Maalinta Dalxiiska adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka maadaama 13-kii bishan Soomaaliya ay si toos ah kaga mid noqotay Hay’adda Dalxiiska QM.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Ururada dalxiiska iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo  Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gargaar Cilmi Cumar Ciise  ayaa bogaadiyay dadaalka dheer  ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka ku biiritaanka hay’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...